Sawirro:-Duqa Muqdisho Oo Dhagax Dhigay Xarunta D/Wadajir Oo Ku Bur-Burtay Qaraxii Ka Dhacay

Gudoomiyaha Cusub ee gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa Maanta dhagax dhigay Xarunta Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir oo dayactir lagu sameyn doono.

Xaruntaan ayaa ku burburtay qarax khasaaro farabadan geystay oo ka dhacay 20 Bishii June Sanadkii tegay ee 2017.

Munaasabada dhagax dhiga ayaa waxaa ku sugnaa Gudoomiye Yariisow, Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo masuuliyiin kale.

Xarunta degmada Wadajir oo uu ka muuqdo burburkii qaraxaas ayaa waxaa bilihuu u dambeysay ay aheyd mid aan Shaqeyn,waxana maanta ugu dambeyn dhagax dhigay gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow si loo dhiso

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.