Akhriso:Qormo Ku Saabsan Xogta Rasmiga ee Kajirta Kismaayo W/Q MM

QORMO KUSAABSAN XOGTA RASMIGAA EE KAJIRTA MAGAALADDA KISMAAYO

——————————————————————-

waxaan kusoo ururiyay dhawr Qodob.

1- Caburin Bulsho, saxaafadeed, iyo siyaasiyiin.

BULSHADDA

Dadka kunool magaalada kismaayo waxaad ku arkaysaa kala shaki bulsho oo baahsan, taas oo sababtay in maamulka jiraa uu ku tiirsanaado awood qabiil oo qayaxan.

SAXAAFADDA

Saxaafada Kahawlgasha Kismayo waa mid aan tabin karin dhacdooyinka isdaba joogaa ee kadhaca magaalada kismaayo.

Qofkii kudhiiradaa wuxuu lakulmaa ciqaab adag oo ay ka midtahay Xarig, Jirdil, ku Hafin badeed, koronto, iyo wax kaste oo ay kutusin karaan inuu san mar dambe ku dhiiran sheegida wixii lasheelay,

SIYAASIYIINTA

Tusaale- Muuqa hoose waa dhacdo kadhacday kismaayo 30-01-2018 kadib kutagrifal awoodeed oo lagula kacay Xildhibaan Axmed taajir oo katirsan Golaha xildhibaanadda jubbaland, loogana xayuubiyay xasaanadii Xildhibaanimo si aan waafaqsanayn sharciga Heer Dowlad Goboleed, iyo xeer hoosaad ka.

Xildhibaanadda jubbaland

Kadib markuu damcay inuu qabto shir jaraa id oo uu bulshadda kula wadaago sida wax udhaceen, waxaa lawaayay warbaahintii, ama saxafaddi u gudbin lahayd Shacabka wixii lagula kacay ee sharci daradda ahaa xildhibaan axmad taajir, kadib wuxuu ku qasbanaaday inuu Mobile kiisa gacanta isaga qaado muuqan hoose kuna sheego wixii dhacay. 2- Musuq maasuq, iyo Maamul xumo baahsan.

MUSUQ MAASUQA

Maamulka Hada jiraayi wuxuu kismaayo lawareegay xili hadda ku siman 6sano kahor, wuxuuna leeyahay ila dhaqaalo oo wanaagsan sidda Dakad, Eerabooro, Canshuuro bari. Bulshadda kismaayo kuma baaqato Canshuur bal waa loo xiraa shaqsiga daba mara waqtiga camshuur bixinta. Hadana wax laga qabtay Arimaha bulshadda haba yaraatee majiraan, sidda wadooyinka,waxbarashadda, caafmaadka. manajirto hal wado oo laamiya, oo laga hir galiyaay kismaayo 6 daa sano ee maamulkaasi jiray.

MAAMUL XUMO

wasiiradda Jubbalad waxay ubadan yihiin dad aan aqoon ulahayn shaqadooda, lahayna Aqoon maadi, marka laga reebo dhawr wasiir, waxayna sababtay in maamul kaasi udhutiyo maamul xumo sal iyo baar taaba tay, kuna koobnaado jirataan kiisu 10km oo kismaaya ah. 3- Awood qaybsi Qariban. maamulka hada jiraayi wuxuu ku fashilmay Midaynta bulshada soomaliyeed ee dagan deegaanadaas ku abtir sadda jubbaland, taasina waxay sabab tay in maamulkaasi uu noqdo mid ku kooban kismaayo ayna is xijiyaan jifadda madaxweynuha kasoo jeedo, inkabadan 90% awoodda maamul iyo xukunba waa jifadda Ahmed madoobe.

TUSAALE- taliyaha milatariga, taliyaha booliska, Taliyaha Nabad sugidda, Taliyaha Daraawiishta jubbaland Gudoomiyah Rugta ganacsiga, Gudoomiyaha Airportka, Gudoomiyaha Dhalinyarada Godoomiyaha jubbada Hoose Gudoomiyaha Jubbada Dhexe Gudoomiyaha haweenka jubbaland Gudoomiyaha Haweenka ee jubbada hoose Gudoomiyaha Odayasha Dhaqanka ee jubblnd Godoomiyaha maxkamadda sare Gudoomiyaha racfaanka maxkamadda Gudoomiyaha wasiiradda A, B,C Maaliyadda,waxbarashadda,Hawlaha guud iyo guryaynta,Haweenka, Agaasimayaasha 12 Guud ahaana waa 18 intaas iyo in badan oonan halkan ku xusi karin waa ku hayb madaxweyne Axmed Madoobe

CADAALAD BAA DADKA DEEQDA WAX IN LADUMIYO WAXAA KA WANAGSAN IN LADULQAATO.

QORAAGA ———— MMM

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.