Taliyihii Saldhiga Degmada Guriceel Iyo Saraakiil Kale Oo Lagu Xiray Baladweyne

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Maamulka Hir-Shabeelle ay Xabsiga dhigeen Saraakiil ka tirsan ciidamada Galmudug.

Wararka ay heshay Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in taliyaha Saldhigga Degmada Guriceel ee Maamulka Galmudug oo Magaciisa lagu sheegay Cismaan Cali Hudeey iyo laba Sarkaal oo kale la xiray.

Weli macada sababta loo xiray Saraakiishaas,sidoo kalena Maamulka Hir-Shabeelle wax faah faahin ah kaba bixin xariga Saraakiishaas.

Sarakiishaan ayaa Baladweyne waxa ay ku sugnaayeen mudo laba Cisho ah in kastoo aan la shaacin sababta ay halkaasi u tageen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.