Marin habaabinta dhalinyarada Soomaaliyeed W/Q Jimcaale

jim

Waxay ahayd 05/01/2017 fiidnimadii waqtiga London mar aan daawanaayey mid ka mid ah tiifiiyada Soomaalida ee aan la kulmay Urur dhalinyaro ee ka jira qayb ka mid ah qaybaha Soomaalida kala qaybsan oo u dabaaldegaya sanadka cusub iyo qorshahooda ,Ayaan darada haysata dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta ha joogaane waxay tahay in ayyan weli ku baraarugin dhibaatada baaxada weyn ee ku habsatay sababta keentay,ku was oo ay ugu weyn yihiin shaqo la,aan,tahriib,qaxooti kala qaybsanaan iyo dagaalo aan xaq ahayn oon loo adeegsado.
Waa arinta qormadaan igu dhalisayey waxaa shirka dhalinyarada aan kor ku soo sheegay wasiir dhalinyaro ee qaybtaas dhalinyaradaas ku noolayd,madoonaayo in aan qaybtaas magacaabo ama aan wasiirkaas magaciisa sheego,laakiin waxaan igu kalifey in aan wax qoro sida uu u marin habaabinayey dhalinyarada Soomaaliyeed ee halkaas ku nool,oo ahayd sidaan hoose;-
Wuxuu u sheegay dhalinyaradaas in ay asaga ka nasiib badan yihiin oo waqtigiisii uu ku dhameystay xabsi asaga oo mar kasta la dhihi jiray qaran dumis,jaamacadna uu ka baxay laakiin uusan ka faa,ideysan,lakaas markii aritu mareysay waxaa ii soo baxay in uu dhalinyarada marin habaabinaayey asaguna is burin isku sameeyey,markaas bay igu dhalatay in aanan aamusin ee dhalinyarada u tuso in nin kaasu yahay cadaw dhalinyarada Soomaalyeed meel kasta ha joogaane,sababahaan awgoog;-
-Wuxuu ku dhashay oo ku soo koray Jamhuuriyadii Soomaaliya oo mideysneyd.
-wuxuu wax ku bartay tacliin lacag la,aan ah D/Hoose ilaa jaamacad oo weliba waqtigii Jaamacada la siin jiray Guno waxbarasho(pocket money).
-Ardayga ka baxa D/sare waxaa loo sii diyaarin jirey laba xulasho(two choices) jamacad ama shaqosiin,si aan loogu kala eexana waxaa loo samayn jirey baqtiyaanasiib,mid kastana asaga oo qanacsan buu aadi jirey halka u soo baxda.
Dhalinyarada iyo akhristayaasha qormadaan waxaan su,aaley bal ninka is buriyey ee saas wax ku bartay ee fursadaas ahaystay hadduu waqtigii dhalinyarada xabsi ku dhameystay goormuu wax bartay oo jaamacada uu sheegay ka baxay?
-Ma waxaa ka nasiib fiican,kuwa badaha ku dhintay iyo saxaraha ayyaga oo nolol raadinaaya?
Ma waxaa ka nasiib badan kuwa kharashka badan wax ku barta heerkasta oo waxbarashadu tahay iyo kuwa waxbarashada waayey ama darbijiifka noqday?

Waxaan dhalinyarada xasuusinayaa in qarankii Soomaaliyeed ee cadwgu dumiyey ,ma jirin waxbarasho la,aan,shoqo la,aana ma jirin dhalinyaro iyo caruur darbijiif ah.

Aan ku soo gabagabeeyo cadawgii ummadda Soomaaliyeed ee Soomali u eka adeegsaday baa dalkayaga burburiyey oo umaddayada iyo dhalinyarada baday hoog iyo haantooleey,welina wuxuu adeegsanayaa Soomaali u eke doonaaya in dadkayaga iyo dhalinyaradayada iskaga dhigo cadaw ,kala qaybsanaan iyo burburkii oo aanaan ka soo kaban,xoogga kaliya ee dalka iyo dadka badbaadin kara oo sharftii iyo karaamadii soo celin karaa waa dhalinyarada eek a digtoonaada Soomaali u ekaha cadwga u adeegaaya oo midnimada Ummadda iyo dhalinyarada hortaagan,ujeedaduna tahay in aydnaan helin qaran aad ku baahibaxdaan.

Wabilaahi Towfiiq.
Cabdullaahi JImcaale Faarax.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.