Q.M. oo sheegtay in ay soo celisay Qaxooti Soomaali ah oo ku nool Dalka Yemen

Intii lagu guda jiray maalmihii kama danbeesta ah ee sanadkii 2017-ka hay’ada socdaalka aduunka ee IOM ayaa soo dhamestirtay laba socdaal ay uga soo Amba-bixisay dalka Yemen qaxooti Soomaali ah iyo kuwa kale oo Ethiopian ah kuwaasi oo dhibaato ku noqotay inay ku nooladan xaalada adag ee ka taagan wadankaasi.

27-kii bishii December IOM waxa ay soo amba-bixisay qaxooti Soomaali ah oo gaarayay 138-qof oo kasoo shiraacday dekada magaalada Cadan.

Sarkaal u hadlay hay’ada IOM ayaa sheegay in arimahaan sidoo kale ay iskaashi kaga heleen hay’ada QM ee arimaha qaxootiga qaabilsan.

inta u dhaxeysa 15 ilaa 12saacadood ayaa loosoo soconaya dhinaca Dekada berbera oo Soomaalida badankooda ka dageen marka ay Yemen laga soo safriyo.

Tiradaan ayaa ka dhigeysa 2441 qof oo Soomaali qaxooti ah oo sanadkii 2017kii ay kasoo amba bixisay dalka Yemen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.