Madaxweyne Farmaajo oo lagu wado inuu xariga ka jaro Airport-ka Garowe

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu waddaa in uu xariga ka jaro Dhismaha Garoonka Magaalada Garowe.

Madaxweynaha ayaa Maanta iyo Berri Midkood gaari doona Magaalada Garowe oo ah Caasimadda maamulka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda maamulka Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu xariga ka jari doono garoonka Magaalada Garowe oo loo dhisay si casi ah.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Wafdiga Madaxweynaha ay horay u soo raaci doonaan xubno ka socda dowladaha caalamka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tan iyo markii la doortay Markii ugu horreysay booqon doona Magaalada Garowe iyo sidoo kale Magaalooyinka kale oo ka tirsan Mudug iyo Galgaduud.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.