Caqabado soo wajahay Cabdirahman CabdiShakuur iyo Maxkamada Racfaanka oo waqti Cusub uqabatay dhagesiga dacwadiisa

shakur

Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa Maanta dib u dhigtay dhageysiga dacwad loo heystay Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo la filayay in ay Maanta ka dhacdo Xarunta Maxkamada, Warqad ka soo baxday Xafiiska gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Saalax Sheekh Ibraahim Maxamed ayaa markale lagu mudeeyay in Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame uu Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir u hor yimaado Arbacada soo socota oo ku beegan 3/1/2018 10: 00 Barqanimo.

Dhanka Kale Warqad qoraal ah oo uu qoray Cabdiraxmaan Cabdi shakuur Warsame ayuu ku sheegay inuu kala noqday wakaaladii Qareennimo ee Qareenada kala ah Tahliil Xaaji Axmed, Qareen C/kariin Maxamed Axmed iyo Qareen Aamina Xaaji Axmed.
shakuur

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.