Siyaasiga danaha shisheeyaha ka shaqeeya ee Abdirahman Abdishakur oo manta aan xaadiri doonin Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir

Warar lagu kalsoon yahay oo uu helay gedo Times.com, ayaa sheegaya in maanta oo Arbaco ah aanu maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir tagi doonin s C/raxmaan Cabdi Shakuur oo dawlada soomaaliya ku ee deysay inuu ka shaqeeyo danaha dawladaha shisheeye oo dalkana ku wado bur_bur siyaasadeed

Lama hubo in maxkamadda ay tagi doonaan qareennada C/raxmaan iyo in kale, balse waxaa naloo xaqiijiyey in shaqsi ahaan aanu C/raxmaan Tagi doonin maxkamadda.

Maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir ayaa warqad ay soo saartay ku sheegtay in maanta dib loo furi doono dhageysiga dacwad loo haysto C/raxmaan Cabdi Shakuur.

December 21, 2017: Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegtay in C/raxmaan lagu waayey wax dambi ah, islamarkaana uu xor yahay, waxaana sidoo kale maxkamaddu sheegtay inaan dacwaddan wax racfaan ah laga qaadan karin.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.