Dowlado badan oo cambaareeyay qaraxii shalay ka dhacay Xarunta Genaraal Kaahiye

Dowladahaan oo kala ah qadar sacuudiga Ugaandha ee taageera soomaliya islamarkaana mid kamid ahi  ay soomaliya ka joogaan ciidamo huban shaarka AMISOM ee naabd ilaalinta ayaa waxay cambaareeyeen qaraxii shalay lagu weerray dugsiga tababarka ciidanka booliska soomaliyeed ee jeneraal kaahiye.
Dowladahaan ayaa waxey sheegeen in aaanan loo dulqaadan Karin in al shabaab ay weeraraan goobo muhiim u ah shacabka soomaliyeed iyo dowladooda sida dugsiga tabaabrka ee beeliska soomaliyeed oo kale.
Mar waliba waxaan ka garabsiineynaa dowladda soomaliya inay iska difaacaan weerarada kaga imaanayo dhanka alshaabaab  islamrkaana ay ka saaraan deegaanada ay ka maamalaan gudaha dalka ayay yiraahdeen dowladaha sacuudiga qadar iyo waliba yuigaandha.
Bayaan kasoo baxay dowladahaaan taageera soomaliya ayaa lagu yiri Al-Shabaab waxey caadeysteen inay mar waliba ay dhameeyaan shacabka soomaliyeed iyo waliba ciidankooda islaamrkaana ay niyad jabiyaan shacabka kale ee badbaada kuwaasi oo ka quusanaya sii joogida gudaha dalka soomaliya blse maahin intaasi in lagu eeego waa in lala dagaalamaa meel qurana lagala soo horjeystaaa Al-Shabaab.
Arintaan ayaa timid kagadaal markii shalay nin miinaysan uu isku dhex qarxiyay ciidamo booliska ah ee taagan afaafka hore ee dugsiga tababarka ciidanka boolsiaka soomaliyeed jeneraal kaahiye

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.