Madaxweynaha koofur galbeed oo Labo Wasiiro Magacaabay

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya  ayaa magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Dowlad Goboleedkaasi.
Maxamed Nuur Madoobe Nuunow ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, kadib markii Madoobe Nuunow Wasiirkii hore lagu dilay Weerarkii Hotel Naasab-hablood ee Muqdisho ay ku soo qaadeen Shabaab 28-kii bishii October ee sanadkan, kaasi oo Madaxtooyada Soomaaliya u jira wax ka yar Hal meyl.
Balse Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa loo magacaabay Maxamed Cumar Zeytuun.
Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Maamulka Koonfur Galbeed Aadan Xasan Maxamed ayaa warbaahinta u aqriyay magacaabista uu sameeyay Madaxweyne Shariif Xasan.
Deegaanada Maamulka Koofur galbeed ayaa waxaa ka soconaya Hormaro ku aadan sidii is badal lagu sameyn lahaa golaha wasiirada ee Maamulkaasi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.