Shacabka ku nool degmooyinka Hilawaa iyo kaaraan oo dowlada ka codsaday in laga dulqaado ciidamo ku dagaalamay degmooyinkaas ee ku nool degmooyinkaasi.

Iyadoo degmooyinka Hiliwaa iyo Kaaraan dhowr jeer ay ka dhaceen isku dhacyo u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowlada ayaa waxaa cabasho arinkaasi ka muujinaya dadka shacabka ah ee ku nool degmooyinkaasi.

Maxamed Cabdule Cadow oo kamid ah dadka deganaaa Degmada Hiliwaa, balse haatan uga barakacay sababo la xiriira ciidamo ku dul dagaalama ayaa waxaa uu sheegay in inta badan ay ku dul dagaalamaan ciidmada dowlada, taasina ay keentay in ay sii daganaan waayeen xaafadahooda waxaana uu ka dalbaday dowlada Somalia in arinkaasi wax laga qabto si ay ugu laabtaan guryahooda,islamarkaana ay dayactir ku sameystaan.

Degmooyinka Hiliwaa  iyo kaaraan ayaa waxaa dhowr jeer sanadkaan gudahiisa ka dhacay isku dhacyo geystay dhimasho iyo dhaawac oo dhexmaray ciidamo ka wada tirsan dowlada,iyadoo ay sidoo kale isku dhacyadaasi saameeyeen dadkii deganaa xaafahada lagu dul  dagaalamay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.