Al-Shabaab oo laga cabsi qabo inay weeraro ka fuliyaan qeybo ka mid ah gobalka gedo.

shabab

Cabdi Cali Cabdi Qoorleex gudoomiyaha degmada Ceel Cade ee gobolka gedo ayaa waxaa uu sheegay in ay jirto baqdin xoogan oo laga qabo weerao ay Al-shabaab ku qaadaan degmooyin ka tirsan gobolka Gedo.
Waxaa uu sheegay in ay heleen xog sheegeysa in dagaal yahano ka tirsan Shabaab ay weerar ku yihiin degmooyin ay ka mid yihiin baareedheere , buurdhuube gaarbahaarey beledxaawo iyo degmooyin kaleba waxaana uu intaas ku daray in ciidamada dowlada eek u sugan gedo looga baahyahay in galaan feeljignaan dheeri ah oo ay labo laabaan dedaalada lagu sugayo Amniga.
Gudoomiyaha degmada Ceel cade ee gedo ayaa hadalkiisa ku daray In loo baahanyahay in Saraakiisha ciidamada iyo dadka shacabka ah iska kaashadaan sidii looga hortagi laha weerarada lagu xog helayo in shabaab degmooyinka gedo ee ay ciidamada dowlada joogaan ku qaadi rabaan .
Horay ayaa shabab waxaa ay weeraro xoogan ku qaadeen saldhigyada ciidmada dowlada ee gedo iyo jubooyinka iyadoo mudooyinkaan danbe ay sarakiisha ciidmada xooga eek u sugan gedo ay sheegayeen in la adkeeyay Amaanka goboladaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.