Dowlada Soomaaliya oo dalka cuman ugu qeyb galaysa shirka caalamiga ah ee dalxiiska(Sawirro).

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo ka qeybgalaya Shirka Caalamiga ah ee Dhaqanka & Dalxiiska oo lagu qabanayo magaalada Masqad ee dalka Cumaan ayaa maanta kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Hay’ada Dalxiiska Adduunka Mr Talb Rufai iyo mas’uuliyiin kale.
Shirkan oo ah kii labaad ee Caalami ee Dhaqanka & Dalxiiska oo ay soo qabanqaabiyeen Hay’ada Dalxiiska Adduunka ee Qaramada Midoobey (UNWTO) iyo UNESCO ayaa diirada lagu saari doonaa sidii loo joogteyn lahaa horumarinta Dhaqanka & Dalxiiska Adduunka.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ayaa waxaa ku wehliya booqashadan Cumaan Yasir Baffo oo ah La Taliyaha Wasiirka ee dhanka Dalxiiska. Mas’uuliyiintan ayaa waxaa ku soo dhoweeyey magaalada Masqad ee dalka Cumaan Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Cumaan Mudane Abdirizak Farah Ali Taano iyo mas’uuliyiin ka socota dowladda Cumaan iyo Hay’ada Dalxiiska Adduunka.
Wasiirka Warfaafinta ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Xoghayaha Guud ee Hay’ada Dalxiiska Adduunka H.E. Talib Rufai iyo mas’uuliyiinta Hay’adaas, iyadoo Safiir Taano iyo Yasir Baffo ay Wasiir Yarisow ku wehliyeen kulankan. Arrimaha laga wada hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa qorsheyaasha Somalia ee lagu soo nooleynayo dalxiiska iyadoo Wasiir Yarisow uu sharaxay ahmiyada ay dalka u leedahay si loo helo maalgeshi caalami ah iyo arrimo kale.
Wasiir Yarisow ayaa sheegay in Soomaalida ay dhaqan ahaan yihiin dad si sharaf leh martida u soo dhoweeya isla markaasna jecel safarka, tanoo siineysa awood ah in dalxiiska si deg-deg ah loo soo nooleyn karo. Yarisow ayaa sheegay in dalka ay ka jiraan in ka badan 150 shirkadaha iibiya tikidhada (Travel Agency), ayna jiraan diyaarado Soomaali leeyihiin oo si joogta ah u duulimaada, iyadoo diyaarada Turkish Airlines ay maalin walba tagto Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in Qurbo-joogta ay dalka u soo dalxiistagaan isla markaasna Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ay dhiirigelin doonto in qoysaska Soomaalida ee Qurbaha la keeno dalka si ay u bartaan dhaqankooda, dhalinyarada dalka gudihiisa joogtana shaqo ugu abuuraan.
Ugu danbeyntii Wasiir Yarisow ayaa sheegay in Somalia ay ku taalo goob Istraatejiyad ah ayna leedahay xeebta ugu dheer Afrika, leedahayna labo webi, iyadoo kheyraad badan uu ka buuxo dalka, laakin loo baahanyahay maalgashi caalami ah si dalka uu horumar ballaaran u gaaro. Sidoo kale Wasiir Yarisow ayaa yiri “Soomaaliya waxey leedahay goobo dalxiiska ku habboon oo deegaan walba laga heli karo goob aad u qurxoon, iyadoo jawiga iyo neecowda Soomaaliya tahay mid aad ugu habboon dalxiiska. Wasiirka ayaa ka codsaday UNWTO iyo UNESCO inay Somalia ka saacidaan dejinta Istraatejiyada Dalxiiska iyo qorsheyaasha si dhaqso leh loogu soo celin karo dalxiiska Soomaaliya.”
DHAMAAD
Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska
media@moi.gov.so

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.