Ganacsiga gaalkacyo oo maanta lagu wado in la furo iyo heshiisyo la gaaray.

Wararka naga soo gaaraya magaalada gaalkacyo ayaa sheegaya in maanta lagu wado in dib loo furi ganacsigii magaalada,kadib markii ay ku xirmeen dagaaladii u dhexeeyay maleeshiyaadka maamulada galmudug iyo puntland ay ka dhaceen bartamaha magalada,iyadoona khasaaraha ugu badan ay soo gaareen shacabka ku nool magaaladaasi.
Waxaana la sheegay in heshiis hordhac ay gaareen Maamulada puntland iyo Galmudug,kaasi oo ku aadan in laga shaqeeyo nabada iyo hormarka magaalada,islamarkaana la joojiyo colaada ku soo laalabanaysa magaalada gaalkacyo ee gobalka barri.
Xildhibaan Salaad Xaashi Diiriye oo ka mid ah baarlamaanka galmudug oo la hadlay idaacadda  kulmiye ayaa Sheegay in rajada maanta ay tahay sidii  dib loogu furi lahaa ganacsiga suuqa Magaalada gaalkacyo ee gobalka.
Waxaa uuna tilmaamay in hada odayaasha Dhaqanka ee ka soo kala jeeda Puntland iyo galmudug ay wadaan waan-waan ku aadan sidii xal looga gaari lahaa dhibaatada ku soo noq-noqotay Magaalada gaalkacyo.
Magaalada gaalkacyo ee gobalka bari ayaa Dhowr jeer waxaa ku dagaalamay maleeshiyaadka ka soo kala jeeda maamulada puntland iyo galmudug,iyadoona Magaalada ay isku badashay goob colaadeed,inkastoo Labada Maamul mararka qaar ay sheegaan in la joojinayo dagaalada ka dhacaya magalada gaalkacyo,hayeeshee ma jiraan cid hergelisay qodobadii horey ay ugu heshiiyeen Puntland iyo galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.