Saraakiisha Ciidamada Xooga oo Sheegay in Shabaab badan oo baxsad ka ah duqeymaha mareykanka ay soo galeen Gobalada dhexe.

shabab

General Axmed Maxamed Tredishe oo ah Taliyaha guutada 52 aad ee Xoogga dalka Soomaaliyeed  ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab oo baxsad ah ay soo galeen deegaano ka mid ah gobolada dhexe ee dalka.
Sidoo kale taliyaha guutada 52aad ayaa intaasi ku sii daray kadib markii shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada baladweyne ee gobalka hiraan  in qaar kamid ah saraakiisha dagaalamayaasha  Al-shabaab ay u gudbeen deegaanada maamulka  Puntland gaar ahaan buuraha Galgala.
Taliyaha Waxaa uu sheegay in ciidamada xoogga dalka  ay qaadi doonaan tilaabooyin deg deg ah oo arintaasi wax looga qabaanaayo,kaasi oo ku aadan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaanadaasi.
Waxaa uu madaxda sare ee dowlada soomaaliya oo ka codsaday in gacan laga siiyo sidii gacan bir ah ay ugu qaban lahaayeen dagaalamayaashan ka tirsan Al-shabaab oo baxsad ka ah duqeymo diyaaradaha mareykanka ay ka fulinayaan gobalada dalka,.
Dhawaan ayay aheyd boqolaal dagaalamayaal oo ka tirsan Al-shabaab ay soo galeen deegaano hoostaga degmada matabaan iyo qaar ka mid ah degmooyinka gobalada dhexe ee dalka,iyadoona haataan saraakiisha Ciidamada Xoogga ay sheegayaan in dagaalamayaal badan haatan ay u gudbeen deegaanada buuraleyda galgala ee gobalka barri.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.