Munaasabad lagu xirayay Sanad Dugsiyeedka Schoolka Hoose dhexe Xurfada Caabudwaaq Dhageyso+Sawiro

Munaasabad lagu xirayay Sanad Dugsiyeedka Schoolka Hoose dhexe ee Xurfada ayaa lagu qabtay Magaalada Caabudwaaq ee Gobalka Galaduud.
Munaasabadaan oo kadhacdey Schoolka Hoose dhexe ee Kaamka Xurfada laguna soo xirayay Sanad dugsiyeedka Schoolka Xurfada ee 2016-2017 ayaa waxaa ka soo qayb galay Masuuliyiin ka socotay Hay’adda Save The Children iyo Hay’adda Tubta Nabada Soomaaliyeed .Gudoomiyaha Waxbarashada degmada Caabudwaaq Xasan Axmed Diiriye Culumaa’udiinka ,waalidiinta ardeyda Schoolka,Ururada Hooyooyinka ,ururka dhalinyarada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Maamulaha Schoolka Xurfada Faa’id Ergo oo ka hadlay Munaasabada ayaa ka Sheekeeyay waxa u qabsoomay schoolka mudadii uu maamulaha ka ahaa iyo halka ay hiigsanayaan mustaqabalka dhow ” Waxaana uu sheegay intii uu maamulaha ahaa in ay u suurta gashey in ay kor u qaadeen Waxbarashada Schoolka dhinac kasta oo ah tahay ,isagoona sheegay in marka dib loo furo Schoolka in ay Hirgalinayaan Nidaam waxbarasho oo la jaan qaada Schoolada kale ee Soomaaliya”

Dhamaan Dadkii ka hadlay Munaasabada lagu soo xirayay Sanad Dugsiyeedka Schoolka Xurfada ayaa isku raacey in Mudooyinkii udanbeeyay Tayada Waxbarasho ee Schoolka ay kor usoo kacdey

Ugu danbaytii ayaa waxaa soo xiray Xaflada Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Caabudwaaq Xasan Axmed Diiriye isagoona ardeyda kula dar daarmay mudada ay fasaxa kujiraan in ay guryahooda wax ku sii
aqristaan waxaana dhanka kale uu amaaney Maamulka iyo Macaliminta Schoolka Xurfada

Bye Ayaanle Cabdulaahi Jaamac

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.