TOP News: Yaa ugu mudan inuu Noqdo Raisal Wasaaaha Dalka, Yaase ugu cadcad ilaa iyo hadda.”Akhriso”

far

Iyadoo shalay un uu Xilka Madaxweynenimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya si rasmi ah ula wareegay Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ayaa waxaa aad looga wardhowrayaa shakhsiga uu Madaxweynaha u Xulan doono Wasiirka Koowaad ee Xukuumadiisa Hogaamin doona.

Farmaajo oo horay u balanqaaday inuu soo xuli doono Raisal Wasaare karti iyo aqoonba eh, ahne wadani soomaaliyeed oo Dal jaceylku ku weynyahay, ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday latashiyo uu lasameynayay Qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo uu kala hadlayay shakhsiga ay tahay in uu Noqdo Wasiirka Koowaad ee dalka.

Beelaha Soomaaliyeed Gaar ahaane Beesha Hawiye ayaa iyadu ah mid si weyn ugu jirta Xusul duubka iyo hanashada Xilka Wasiirka Koowaad, inkastoo dhexdooda ay kukala qeybsanyahay Jifada laga xulan doono wasiirka Koowaad.

Beesha Mududlood oo kamid ah Beelahaas Hawiye ayaa waxaa Xilka Wasiirka Koowaad u ordaya Musharixiin badan inkastoo Xogta ilaa iyo hadda ay Gedo Times heleyso sheegeyso in ilaa shan Musharax midkood aad loogu sadaalinaayo,in uu qaban doono xilka wasiirka Koowaad.

Musharixiinta ayaa kala ah Cabdraxmaan Macalin Cabdulaahi Baadiyow, Cabdulqaadir Cosole Cali, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Cadow Cali Gees iyo Jibriil Ibraahim Cabdulle, waana Musharixiinta ilaa iyo hadda la kulmay Madaxweynaha kana soo jeeda Beesha Mudulood dalbadayne in Xilka Raisal Wasaaraha loo magacaabo.

Hadaba yey tahay in loo xusho Xilka Wasiirka Koowaad, Ma haboon tahay in Lagu Xusho Waxqabad, karti iyo Wadaniyad, Mise nin jecleysi iyo xulufeysi qabiil ayey tahay in lagu saleeyo, Madaxweyne Farmaajo matahay inuu ku xusho Wasiirka koowaad aragti siyaasadeed oo fog iyo wadaniyad, Mudanayaashaase yaa ugu mudan in loo caleema saaro xilka Raisal Wasaaraha oo Waxqaabdkiisa ay soo arkeen Shacabka Soomaalyeed dal iyo dibadba.?

Dabcan Waa Su’aal Jawaab ceinteeda looga fadhiyo Shacabka soomaaliyeed, Fulinteedane looga Baahanyahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed “Farmaajo”.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.