Degdeg: Janaraal Maxamed Cali Samatar oo Goordhaweyd ku geeriyooday Dalka Mareykanka.

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Waxaa Xalay Gobolka Virginia ee Dalka Mareykanka ku geeriyooday allaha u Naxariistee Janaraal Maxamed Cali Samatar oo ahaa Madaxweyne Kuxigeenkii, Raisal Wasaarihii iyo Wasiirkii Gaashaandhigga ee Dowladda Kacaanka.

Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar aya U geeyiooday Xanuun uu la ildarnaa Waayadii Dambe sida ay Warbaahinta u sheegtay Gabadha uu dhalay Jananka oo ah Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya Marwo Sahra maxamed Cali Samatar.

Janaraal Samatar ayaa ahaa Ninkii xagga aqoonta ugu sareeyey Saraakiisha Soomaaliyeed tan iyo wixii ka dambeeyey Markii ay Soomaaliya qaadatay Xoriyadda, sidoo kale wuxuu ahaa Sarkaal ay si dhaw u wada shaqeeyeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Jaale Maxamed Siyaad Barre.

Alaha u naxariisto janaraal Samatar oo aan taariikhdiisa Qalin lagu koobi karin ayaa waxaa socota Qabanqaabada Sidii aas qaran loogu sameyn lahaa Gudaha Dalka Soomaaliya Maalmaha Soo aadan sida ay Markale ku warantay Sahra Maxamed Cali Samatar.

Guud ahaan Bahda Gedo Times waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii Qaraabadii iyo Guud ahaan Umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday rabbi ha u naxariistee Janaraal Maxamed Cali Samatar.

 

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAICUUN.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.