Xasan Sheekh iyo Imaaradka Shalay & Maanta

xasansheekh

Waxaa xaqiiqa qof kasta oo damiir iyo dareen Soomaaliyeed leh in uu og yahay in Imaaraadku yahay cadaw dadyoowga Muslimka ah gaar ahaan shucuubta Carbeed oo isu sheegi mayno waxa uu ku sameeyey Ciraaq, siiriya,Yamen, Liibiya iyo Suudaan (NIN HOOYADI QORAX U JIIDAY AYEYDI HOOS MA GEEYO), dawlada saas ah in aan soo dhaweysano sow maaha ninkii baahday oo Baqtiga cunay.

Xassan kii shalay iyo Imaaraadka waxaan ku xasuusanaa markii uu ka midka ahaa kooxda hadda la baxday mustaqbalka Soomaaliya aniguse aan u aqaan halaagayaasha Somaaliya in XSM ahaa ninkii geed dheer iyo geed gaabanba u fuulay u hiilinta Imaaraadka erayadiisii waxaa ka mid ahaa:-


1- Walaaleheen Imaaraadka waa loo gafay waa saaxiibkeenii ugu fiican ee aan dunida ku lahayn, waa markii dawladii ka horeysay xiriirka u jartay oo dalka ka saartay.
2- Markii uu Xaasan xilka ku soo noqday wuxuu shaqo ka bilaabay in uu deg deg u raaligeliyo lacagtii laga xayiray oo sharcidarada dalka ku soo galiyeen oo inay sheegtaan ay ka gaabaabsadeen uu deg deg u siiyo.
3-Marar badan buu meala fagaaraa ku amaanay in ay yihiin walaalo saaxiibkeena oo aanaan la’aantood socon karin wax kastana noo horay.
4-Ku darso in meeshii koowaad soo laabashadiisii uu safar ku aaday ahayd Imaaraadka.


Waxa maanta jira oo xassan iyo Imaaraad dhex maray waa kooxdii uu ka soo xuubsiibtay oo ay imaaraad hadda waataan una arka fursada ugu fiican ay Soomaaliya ku sii joogi karaan iyo Xassan oo og in arintaas khatar ku tahay in dadka Soomaaliyeed oo og in Imaaraad cadaw yahay uu xogto kaarkaas oo shacbiyad ka raadiyo.


Ugu danbayn Soomaaliyeey ogaada Xassan Shiikh Maxamuud iyo kooxda ay horboodayaan Shiikh Shariif iyo Xassan Cali Khayre midna dalka, diinta iyo dadka maraabaan,waxay ku loolamayaan cidii Imaaraad Soomaaliya ka xaraashi lahayd bay isku haystaan, sidaas daraadeed dadka Soomaaliyeed baa laga doonayaa sidii kooxdaan shalay wada socday maantana kala socda dalkooda, diintooda iyo naftooda uga ilaashan lahaayeen.

Waxaan kaloo ku Baraarujinayaa shacabka Soomaaliyeed ninkii diiday 80 Milyan oo doolar iyo ninkii ku faanay guri labo dabaq ah oo imaarad dhisay hankooda inay qiimeeyeen.


Wabilaahi Towfiiq,
A.J. Farah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.