Waxaa laga yaabaa dadka qaar aan dulucda waxa Soomaaliya ka socda garan karin in ay la yaabaan cinwaanka sare ee qormadaan balse aan qeexo ujeedada si aad u fahantaan ujeedada.
Marka aan soo qaadano ereyga khilaaf waa Xaajo dhextaal laba qof, kooxood ama dawladood oo ficilka arin la fulinaayo ama la qabanaayo ku kala duwan, sidaas darteeb madaxda maamulada Soomaalilaandhi,Puntilaandhi, Koofurgalbeed,Jubalaandhi,Hiiraan waxa ka socda iyo ficilada MW Xassan Shiikh Maxamuud waa isku mid dhammaana waxay u adeegayaan cadawga umadda Soomaaliyeed oo Imaaraadku (UAE) horseedka ama indhaha hore u yihiin, ku darso oo waxaa la mid ah kooxda la baxday ururka samatabixinta oo uu hogaamiyo madaxweyne hore Shiilh Shariif,
Cadayn uma baahna oo waa sida cadceeda dhammaan waxaa maaalgeliya Imaaraadka oo cadawga Soomaaliyeed siyaasada ,xeesha iyo dhaqaalaha lagu Baabi’inaayo dalka Soomaaliya u xilsaarteen.
Waxaana u miciya lisanaaya in ay kala qaybsadaan Yahuud iyo dawladaha deriska ah, dagaalka Mooyaale iyo furumaha cusub oo hadba la furaayo sida kan Hiiraan waa mashquulin,jahawareerin iyo sii kala fogayn Soomaalida loo samaynaayo.
Haddii aan la helin koox kale oo badbaadinta dalkayaga dhiig cusub ku shubta iyo shacbi ka baraaruga dhagartaan dalkaan waa ku daayey.
Wabilaahi Towfiiq
A.J. Faarah
Leave a Reply