Xildhibaan hore Dr. Cabdi Shire Jama, (ciyaar Jecel) oo safar ku soo gaaray Degmada Caabudwaaq, halkaas oo xalay uu kulan is-xogwaraysi iyo wadatashi ah kula yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada oo uu hore ugu matali jiray Golaha Shacabka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee bulshada, adkaynta wadajirka, iyo sidii loo sii xoojin lahaa nabadda iyo horumarka deegaanka. Cabdi Shire ayaa si qoto dheer u dhegeystay aragtiyaha iyo talooyinka kasoo baxay bulshada, isagoo carrabka ku adkeeyay in wada-tashigu yahay jidka ugu wanaagsan ee lagu gaari karo horumar waara.
Gabagabadii kulanka, Cabdi Shire Jaamac ayaa bulshada kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan nabadda, midnimada iyo is-ixtiraamka, isagoo xusay in bulsho isku duuban ay gaari karto horumar iyo mustaqbal ifaya.
Sidoo kale, wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyey waxgaradka, odayaasha dhaqanka, dhallinyarada, haweenka iyo dhammaan bulshada Beesha Wagardhac sida diirran ee ay ugu soo dhaweeyeen Degmada Caabudwaaq iyo kaalinta ay ka qaadanayaan ilaalinta nabadda iyo wadajirka.
Leave a Reply