Farmaajo oo Shacabka Soomaaliya U Diray Hambalyada 1da Luulyo

Farmaajo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda 1-da Luuliyo.

Waxaan shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay dunida ka joogaan, ugu hambalyeynayaa munaasabadda 1-da Luulyo, oo ku beegan 66-guurada ka soo wareegtay maalintii ay midoobeen gobollada waqooyi iyo koonfurta Soomaaliya, laguna aas-aasay Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

Maalintan oo astaan u ah himiladii gobannimo, midnimo iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, waxa ay xambaarsan tahay casharro qaran oo ina xasuusinaya in guulihii gobannimada lagu gaaray isku duubni, naf-hurnimo, waddaniyad iyo himilo mideysan.

Munaasabaddan qiimaha leh waxa ay inagu soo aadaysaa xilli ay jirto baahi weyn oo loo qabo adkaynta midnimada qaranka, iyadoo dalku wajahayo caqabado siyaasadeed, amni iyo duruufo kale oo halis gelin kara wadajirka shacabka iyo jiritaanka dowladnimada. Xaaladdani waxay inagu waajibinaysaa in la xoojiyo wada-tashiga, la ilaaliyo dastuurka heshiiska lagu yahay, danta guudna laga hormariyo danaha gaarka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.