Xagee Loo Wadaa Ummada Soomaalida!!! W/Q Jimcaale

calan

XAGGEE LOO WADAA UMMADDA SOOMAALIDA?!!!
In kasta oo federaalkii naloo ku soo ridey jawaanka Imbegaati Keenya dad badan ka digeen kuwa kalana u sacabatumayeen,farta boogta aan daro maanta:-

!– wp:paragraph {“fontSize”:”medium”} –>


1- Bal eega dhiiga Farah badan ee ku daatay Jubalaandhi welina socda.
2- Koofurgalbeed Soomaaliya aaway nabadii iyo horamarkii ka socday?!
3-Hirshabeelle ma kufsi, dil, guryo la gubo iyo bililiqo baa laysugu faanayaa.
4- Galmudug ma laysu qalab aruursanayaa?!.
5-Puntilaandhi ma ciidamo baa is horfadhiya?!.
6-waqooyibari Soomaaliya soo laba garab maanta maaha?!.
7-KADAR OO DIBI DHAL. Soomaalilaandhi sow Yahuudi ma dagana maanta.
Waa sawir cad oo qof kasta garan karo su’alaalaha sare oo muujinaya xaalka Soomaaliya ee. bal idinku wax ka dhaha?.


Aniguse aan tayda dhiibtee ficilada madaxweyne Xassan, wareysiga safiirka Soomaaliya u jooga UK maalmo kahor ee sheegay in aan Israa’iil iyo Soomaaliya xiriirkoodu xumayn iyo wasiirudawlaha arimaha dibada Soomaaliya Cali Balcad oo laga sheega Xarinta yahuuda Talaabiib asaga oo dhambaal ka sida Xassan Shiilh una wada Natalyaahu, diidmada Axmed Madoobe iyo Deni ee joogtada ah iyo ficilada Ciro dhamaantood waxay u beerfalayaan in Yahuud iyo dawlada kale dalka Soomaaliya qaybsadaan.


Culumada warkoodu ma muuqdo, aqoonyahanada soomaaliyeed waa hurdaan, dhalinyarada Soomaalidu ma baraarugsana,ururada bulshada iyo shacbiga Soomaaliyeedoow indhaha fura inta goori goor tahay.


Wabilaahi Towfiiq
A.J.Farah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.