Daawo:Ra’iisalwasaare Xamse oo Safar ku Tagay Dhuusamareeb

Xamze

Dhuusamareeb, Arbaco, 24 juun 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa safar shaqo kusoo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug, halkaasi oo uu maalmaha soo socda ku sugnaan doono.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa si diirran usoo dhoweeyay madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Agaasimaha hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad iyo qeybaha kala duwan bulshada.

Safarka Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa daarran xoojinta dowlad-dhiska , isaga oo inta uu joogo magaalada Dhuusamareeb kulammo la qaadan doona hoggaanka dowlad-goboleedka Galmudug, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.