Ummad walba waxay leedahay waxyaalo ay ku faanto oo sharaf iyo Karama u ah sida Diinta,dhaqanka, jinsiyada, dhulka, xoriyada, calanka iyo lacagta.
Bal aan mid u soo qaadano annaga oo taabanayna xaqiiqda sida wax yihiin annaga Soomaalida ah:-
1-marka runta aan taabano Ummadda Soomaaliyeed waxay ahayd muslim boqolkiiba boqol mana jirin qilaaf diiniya oo aan garanayaa ee madhabka shaaficiyada bay wada haysteen, imisaa firqo iyo magacyo xisbiyo oo qolaba qolada kale gaalo u taqaan baa maanta ka jira Soomaaliya, haddaba annigu yaab iyo afkalaqaad baan ku jiraaye culumadaan kala duwani ha noo sheegto Soomaalida yaa muslim ah yaa gaalaa ah?.
2-Dhaqankii wanaagsanaa ee aan isku maamuli jirnay oo oday dhaqameedyadu noo shir gudoomin jireen gunaanadka talada ma jiraa maanta oday dhaqameedyada maanta jira maxaan ku tilmaami karnaa? Waa arin anigu yaabaye dhextaal noo ah Soomaalida oo dhan.
3-waxaan lahayn hal qoymiyad ama jinsi la oran jirey Soomaali iyo hal af oo Soomaali ah.Xaggee naga soo gashay qowmiyadaha af Soomaaliga ku hadla goormaan kala jinsi iyo qowmiyado kala noqonay?Jawaab uma hayo ee bal idinku wax ka dhaha.
4-Waxaan lahayn hal dhul ama dal la yiraahdo Soomaaliya iyo hal dawlad oo na loo yiqiin oo ah Soomaaliya.Yaa noo sarifay oo ka dhigay sideed dawladood iyo sideed dhul oo mid walba leedahay dawlad dhameytiran oo madaxweynaheeda leh?Anigu ma garan karo ee yaa sifayn Kara?.
5-xoriyada an haysan jirney oo ahayd nabad iyo talo madaxbanaan ma jirtaa dowlad dalka u talisa iyo qof xornimo ku haysta dalka oo meeshii uu doono tegi Kara,ku noolaan kara kana shaqaysan kara Qofkii ogi ha caddeeyo?.
6-Calankii buluuga ahaa oo xidigta shangeeskaa lahaa kuna suntanaa shanta Soomaaliya yaa todoba kale dhinac suray oo astaan qabiil ah? Qofkii macnayn karoow ku soo dhawoow.
7-Lacagtii soomaaliga ahayd ee aan sharafta ku lahayn xaggee ka baxday? Ninkii sheegi kara ha ka hadlo.
Qof ama qabiil annaga ah hawshaan ma qaban ee cadaw soo jireena baa shaqadaan qabtay haddana ku guuleystay in uu qof qof iyo reer reer iskugu kaaya mashquuliyo.
Ugu dambeyn afarta cadaw ee ah Ramuudka Tiifiiga lagu daarto ee gacanta cadawga ku jira oo aan meelna uga leexan Karin ee ay diyaarsadeen oo kala ah Xassan,Deni,Ciro iyo Axmed Madoobe aayaha caruurtayada ma ka badbaadinaa? Mise waxaan raali ku noqonaa in dhaxalka jiilka danbe Yuhuud,Keenya iyo Itoobiya kala qaybsadaan?.
Wabilaahi Towfiiq
A.J.Farah.
Leave a Reply