Waa Kuma Xasan Sheekh Maxamuud!!!

xasansheekh

Xassan Shiikh Maxamuud waa madaxweynaha JFS oo xilhayntiisu dhamaatay 15/05/2026, Xassan waa macalin mudo ku dhex jirey xayndaabka waxbarashada, wuxuuna haystaa shahaadada sare ee PHD, laakiin waxaan su’aasha sare u soo
Qaatay aqoonta aan Xassan ka kororsaday labadii jeer ee xilhayntiisa iyo maahmaahda soomaalida ee tiraahda (QOFKU QOWLKIISA BUU HADLAA QORINA QAACIISA BUU URAA) ,hadaba aniga oo faalada sii wadi doona Ila dhegaysta qudbadii Xassan Shiikh ee caanbaxday ee ahayd marba qof baan ahay:-

NINA AFkIISA LAGAMA AMAAN SIIYO) oo ah ninku wuxuu isku tilmaamo nina kama tiri karo, sidaas darteed bal aan soo qaadano dhacdooyinkaan oo aan is leeyahay waxay sawir dhab ah ka bixinayaan sida asagu isku tilmaamay:-
1-Anigu marba qof baan ahay oo meelna igu soo hagaagimeysaan sow macnaheedu maaha waxaan ahay (LABA WAJIILE).


2-Axmed Maxamed Islaan wuxuu horey u sheegay in uusan aqoonsanayn asaga oo weliba u jaray warqad soo qabasho ah, haddana waa la heshiiyey oo Xassan waa kii Kismaanyo tegey Axmed Xamar yimid dagaalkii Raaskambooni kadib maanta oo ah 12/06/2026 wuxuu Jowhar uga dhawaaqay in uusan aqoonsanayn Axmed Madoobe.


3-Horey waxaan u ogayn in fagaarayaal ka yiri Itoobiya waa cadawgayaga haddana uu na leeyahay waa saaxiib aanaan ka maarmin.


4-Horey waxaan ogayn Imaaraadka oo dalka laga saaray inta soo ceshaday in uu yiri waa saaxiibka ugu fiican oo aan leenahay haddana Xassan wuxuu na leeyah waa cadawga ugu xun oo aan leenahay Imaaraadku.


5-Saddexdii maamul gobaleed ee la shaqaynaayey markii xilkiisii dhamaaday muxuu ku maagay?.


6-Saaxiibadiisii Xisbiga JSP Maxaa Kala yaaciyey oo ay tareenka uga degeen?
Isku soo wadaduub oo dhammaan waa arimo na tusaysa in uu balan lahayn ee Xassan Shiikh Maxamuud yahay gabaldaye.


Ugu danbayn raga hadda la shaqaynaaya ee tirada yar ha ogaadeen in uusan Xassan saaxda siyaasada jogayn ayyaguna aysan wax sharaf iyo han siyaasadeed ku dhexyeelan doonin shacbiga Soomaaliywed,waxaana kula talin lahaa in ay iscasilaan inta aan waqtigu ka dhammaan.
Wabilaahi Towfiiq,
A.J.Farah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.