Dadkii Soomaaliyeed Maxaa Garashadii Ka Qaaday!!! W/Q Jimcaale

calan

Waxaa hubaal ah in dadka Soomaaliyeed ahaayeen dad dareen sare leh, aad u dhiifoon, waxtar ah, qab leh oo aan quursi marnaba ogolaan oo aan ugu denbayn dhihi karo foolxumo iyo gumeysi geeri bay ka jeclaayeen.


Aan sababeeyo aniga oo taariikhda dib u milicsanaaya:-


1- Dagaalkii ay lagaleen Soomaalidii uu Hogaaminayey Axmed Gurey Xabashida ee qarnigii 14aad iyo qarnigii 15aad waa taariikh ka mid ah dhacdooyinka waaweeyn ee ku jirta keydka taariikhda adduunka gaar ahaan tan Soomaalida.
2-Halgankii gobanimo doonka ee daraawiishta ee socday 21ka sano oo markii la loodin waayey diyaaradaha oo markaas dunidaba ku cusbaa lagu jabiyey laguna qoray diwaanada taariikda Ingiriisku kama adkaan Daraawiish laakiin diyaaradii baa faraska ka adkaatay.


3- Xogagii Talyaaniga u diiday markii ugu horeysay oo uu Koofurta Soomaaliya qabsanaayey in Kismaanyo iyo Xamar inta u dhaxaysa ka soo galo oo bada ka soo dego waa wax ku qoran taariikhda ummadda Soomaaliyeed,
4- Dhalinyaradii bartamahii qarnigii 20aad aasaasay xisbiyadii SYL iyo SNM ee xaqiijiyey in Talyaani iyo Igiriis ka baxaa Soomaaliya ee abuuray Jamhuuriyadii Soomaaliya wixii ay qabteen waa lama iloobaan.
Dadkaas dhaxalka ay noo reebeen waa in Alle geeska Afrika oo aduunyada ugu qanisan uguna istiraajisan na dejiyey.


Marxaladaha aan ka soo hadlay dadkii jirey aqoonta iyo hantida Soomaalida maanta ma haysan laakiin dareen isku mid ah iyo lixijeclo isku mid ah baa hoggaamineysay oo ay naf iyo maalba u hureen.


Maanta waxaan u baahanahay arimaha hoose:-
1-Dad isu xilqaama badbaadada dalka iyo dadka oo aan xoolo doon ahayn ee xaldoona.
2- Sameeya wacyigelin iyo dib u heshiisiin wada socda.
3-Arintu ay noqoto min hoos ilaa kor oo aan ula jeedo in laga soo bilaabo degmo, gobol ilaa heer qaran ku darso hawshaan in ay u baahan tahay waqti,dulqaad, naf iyo maal loo huro.


Wabilaahi Towfiiq A.J.Farah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.