Mulkiilaha Elite Hotel oo Sheegay in Burbur Loo Gaystay Hoteelkiisii

elitehotel

Milkiilaha Elite Hotel Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in boob iyo burburin dowladda Soomaaliya ay u geysatay Hotelkaas kadib markii maalmo ka hor ay la wareegeen ciidanka dowladda.

Siyaasiga Cabdullaahi Maxamed Nuur waxaa sidoo kale uu sheegay in gudaha Hotelka dowladdu ay ku daabushay Hub culus oo tiro badan si buu yiri la isugu sawiro bulshadana loogu marin habaabiyo in gudaha Hotelka laga helay taasi oo uu ku tilmaamay ujeedada laga leeyahay in la sumcad dilo Ganacsigiisa.

Qoraal uu arrimahaas kaga hadlay ayuu ku yiri” Waxaan shacabka Soomaaliyeed lawadaagayaa in maalinti 3aad ay ku sugan yihiin gudaha Elite Hotel Ciidaamadi sida xoogga ahayd kula wareegay Hotel ka, wararka hordhaca ah ee aan helayno waxaa ay xaqiijinayaan arimahaan hoos ku xusan:

  1. In qaybo ka mid ah Hotel ka loo gaystay burburin
  2. In la boobay lagana qaatay Inta badan hantidi tiilay Gudaha Hotel ka, waxaana faahfaahinta hantida maqan lawadaagi doonaa marka ay masuuliyadda Hotel ku gancateena dib ugu soo laabato
  3. Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in gudaha Hotel ka lagu daabulay hub ciidan oo culus aadna u farabadan lana qorshaynayo in gudaha Hotel la’iskula sawiro si loo marin habaabiyo bulshada loona sumcad xumeeyo goobtaas Ganacasiga.
    Haddaba waxaan shacabka u xaqiijinayaa in gudaha Hotel ay hore yaaleen oo kaliya hubka fud fudud ee ilaalada Hotel ku adeegsan jirtay kuna waardiyayn jirtay Hotel.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.