Madaxweynaha Soomaaliya ee Waqtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah Abwaanada Soomaaliyeed, kaasi oo looga hadlay doorka suugaanleyda iyo hal-abuurka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin xoojinta wacyi-galinta bulshada, dowlad-dhiska iyo dib u soo nooleynta olalaha doorashada qof iyo cod ee dalka ka socota.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Abwaanada Soomaaliyeed uga mahadceliyey kaalinta lama ilaawaanka ah ee ay mar walba ka qaataan difaaca jiritaanka qaranka, kobcinta dhaqanka Soomaaliyeed iyo gudbinta fariimaha baraarujinta bulshada, isagoo xusay in suugaantu ay tahay tiir muhiim u ah dib u dhiska maskaxda iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qayb galay La-taliyaha Madaxweynaha ee Wacyi-galinta iyo Baraarujinta Dadweynaha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdikariim Cabdi, Abwaanada Soomaaliyeed ayaa Madaxweynaha la wadaagay aragtiyo ku saabsan horumarinta dhaqanka, xoojinta wadaniyadda iyo sidii hal-abuurka Soomaaliyeed loogu adeegsan lahaa nabadda, dowladnimada iyo horumarka dalka.




Leave a Reply