Burburka shirkii madaxda qaranka Muqdisho ma burbur shir baa mise waa burbur qaran?!!!!

Dadka Somaaliyeed waxay aad uga dhur sugayeen shirkii madaxda dawlada iyo madasha samatabixinta, ayyada oo dalku maraayo meel halis ah marka laga eego Al Shabaab, fargelinta dawladaha dariska ah, dabinada aan qarsooneyn ee Emaaradku dhigay gobolada dalka iyo kala qaybsanaanta maamul goboleedyada iyo DFS , ku darso abaarta sintay dhammaan gobolada dalka ee dhan.


Waxaa xaqiiqa sida shirku ku dhammaaday ee fashilka ah dadka u dhuundaloolay xaqiiqda dhabta ah kuwa sheeganaya masuuliin iyo siyaasiyiin ma filayn in isku imaatinkooda wax dalka iyo dadka dan u ah in ay ka soo baxaan (NABAR LA FILAAYEY NUSQAANMAAYEE NAXDIN MALEH).


Bal aan isweydiino burburka shirkii iyo khilaafka joogtada ah waxa sababta u ah!.


Jawaabtu waa cadahay oo awalba cadaw baa burburiyey dawladii Somaaliyeed ayyaga oo adeegsaday wax lagu sheegay jabhado, mudo ka dib oo hoog iyo balaayo aan soo marnay Shir baa naloo qabtay waxaana magacii jabhadaha lagu badalay dawlad, bal eega dawlada Soomaaliland (SNM), Dawlada Puntilaandh (SSDF), Dawlada Galmudug iyo Hirshabeelle waa (Usc) , Koofurgalbeed(RRA) iyo Jubalaandhi oo ah(SPM), ku darso muqdishow waxay gacanta ugu jirtaa mooryaan aan waba xeeriney ama yey diirato ah.


Xalku wuxuu ku jiraa in shacbigu wax garto oo kacdoon sameeyo dalka a laga badbaadiyo haradiga jabhadaha,odayaasha dhaqanka,culumada

iyo aqoonyahanada fiyoow dalka ha daba qabteen.
Haddii taas la waayo Soomaaliya waxaa qaybsanaaya Yuhuud iyo dawladaha deriska ah ee hurdayoow toos!!!
Wa bilaahi Towfiiq
Jimcaale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.