Faahfaahinta AS oo Weerar qaraxyo ku bilowday kula Wareegay Kudhaa, iyo Khasaare culus oo ka dhashay.

Dagaal

Kooxda Khawaarijta ayaa saakay weerar qaraxyo ku billowday ku qaaday deegaanka Kudhaa, oo ah jasiirad hoos tagta degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada Hoose.

Weerarka ayaa si gaar ah loola beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen Ciidanka Daraawiishta Jubbaland.

Shacabka Kudhaa ayaa Gedotimes u sheegay in qaraxyada kadib in uu halkaasi ka qarxay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana la maqlayay dhawaqa hubka daran-dooriga u dhaca.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in uu jiro khasaare culus oo ka dhashay dagaalka waxaana dhimasho badan iyo dhaawac soo gaareen Ciidamada Jubbaland lama yaqaano khasaaraha soo Gaaray Khawaarijta.

Maamulka Jubbaland iyo hay’adaha ammaanka ayaan weli ka hadlin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan weerarkan, hase yeeshee waxaa la filayaa in warar dheeraad ah laga soo saaro saacadaha soo socda.

Kooxda Khawaarijta ayaa sheegtay in ay la wareegtay deegaanka islamarkaana Nolosha ku qabatay Xubno Maxaabiis ah iyagoo soo badhigay masawirada askarta dhimatay iyo kuwa la qabtay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.