Sawiro:Muqdisho oo XarigabLaga Jaray Dugsiga Gabdhaha ee Darmooley

muqdisho

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarigga ka jaray Dugsiga Gabdhaha Darmooley, oo ku yaalla Degmada Heliwaa.

Guddoomiye Dr. Muungaab oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in furitaanka Dugsiga Gabdhaha Darmooley uu ka tarjumayo dadaalka joogtada ah ee maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho ay ugu jiraan horumarinta waxbarashada, gaar ahaan kor-u-qaadista fursadaha waxbarasho ee gabdhaha ku nool caasimadda. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in waxbarashadu tahay tiirka ugu muhiimsan ee horumar waara, nabad iyo mustaqbal ifaya.

Bulshada Degmada Heliwaa oo si weyn u soo dhaweeyay furitaanka dugsigan, ayaa ku tilmaamay mid wax weyn ka tari doona mustaqbalka carruurta, gaar ahaan gabdhaha.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mar kale adkeeyay ballanqaadkiisa ku aaddan hirgelinta mashaariic horumarineed oo la xiriira waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada bulshada, si loo dardar-geliyo horumarka guud ee Magaalada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.