Sawiro:Wasiirka Amniga guddaha XFS oo shirguddoomiyey shir amni oo ka dhacay magaalada Laascaanood

Fartaag

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta guddoomiyay shir amni oo ka dhacay magaalada Laascaanood

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo diyaargarowga munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari iyo ku-xigeenkiisa, iyadoo la isla qaatay qorshayaal lagu xaqiijinayo amni buuxa inta ay munaasabadda socoto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.