Sawiro:Axmed Madoobe oo Furmay Kulankii Barlamaanka Jubbaland

Axmedmadoobe

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam. Ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 2aad ee Golaha Baarlamaanka Dowladda Jubaland, kaas oo ka qabsoomay xarunta Golaha ee magaalada Kismaayo.

Furitaanka kalfadhigan ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Jubaland, Guddoomiye ku-xigeennada, xildhibaano, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, saraakiil ciidan, marti sharaf iyo masuuliyiin kale oo ka socday hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Madaxweynaha Jubaland oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa ka hadlay xaaladda guud ee Jubaland, isagoo xusay in dowladdu ay dadaal badan gelisay xoojinta amniga, horumarinta adeegyada bulshada iyo adkeynta hay’adaha dowliga ah. Madaxweynaha ayaa Baarlamaanka ku boorriyay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sharciyo iyo go’aamo wax ku ool ah oo wax ka tari kara danaha guud ee shacabka Jubaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.