Sawiro:Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay dhigiisa Turkiga

xasansheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Turkiga mudane Recep Tayyip Erdoğan ayaa kulan muhiim ah haatan uga socdaa xarunta Madaxtooyada Turkiga ee magaalada Istanbul.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaga arrinsanaya, xoojinta dadaalada diblomaasiyadeed ee ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, guulaha laga gaaray sahminta kheyraadka dabiiciga ah ee dalka iyo kor u qaadidda iskaashiga labada dalka, iyaga oo qabandoona kulan Warbaahineed wadajir ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.