Boqor Burhaan oo Ka Horyimid Damaca Isra’iil Ku doonayso Dhulka Soomaaliya

boqorka

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa ka hadlay damaca qalifsan ee yahuudu ku doonayso dhulka Soomaaliya.

Dalkeena Soomaaliya oo xornimada qaadatay 1960 waxay muddo dheer la daalaa dhacaysay faragelin shisheeye iyo kala-qaybin, iyada oo shisheeyuhu danahooda ka arkeen goobta istraatiijiga ah ee allaah inagu beeray.

Xaaladda dalka ka cusboonaatey gaar’ahaan aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland waa khatar toos ah oo ku wajahan midnimada, madaxbannaanida iyo qaranimada Soomaaliyeed, gaar ahaan xilli caalamku cambaareynayo tacaddiyada iyo xasuuqa ay ka waddo Falastiin.

Shacabka Somaliland waa dad wanaagsan oo ay ka soo baxeen dad taariikhdeena ku xusan waxaa ka so baxay culimada loogu ixtiraam badan yahay geyigeena, ma ahayn in qaar kamid ah shacabku ay huwadaan calanka lagu dhibaateeyey umad badan oo Muslimiin ah kaas oo adduunku maanta u arko calan ku asteysan dhibaato, xasuuq iyo dilka caruurta reer Falastiin, mana jirin sabab ku kalifi karta in ay huwadaan oo u dabaaldegaan.

Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu garab istaago difaaca midnimada dalka, sidoo kale dhamaan dhinacyada siyaasadda ku lugta leh oo ay u horeyso Dowladda Federaalku waa in in ay khilaafka iska ilaawaan, kuna midoobaan wada-hadal iyo badbaadinta ummadda Soomaaliyeed ee la daalaadhacaya dhibaatooyinka abaaraha, dhaqaale xumida oo ay u dheertahay faragelinta shisheeye.

Wabilaahi Towfiiq
Boqor Burhaan Boqor Muuse

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.