Dalka Soomaaliya Ma Xamar Kaliyaa!!!

muqdisho

Marka asxaabta mu caaradka ah ka hadlayaan waxay dhammaan sheegaan in aan dalku nabad ahayn doorashana laga qaban karin cilada kalana ay tahay danleeyda siyaasada oo aan heshiish ahayn gaar ahaan maamul gobaleedyada iyo Dowlada Dhexe, waxayna baaq dheer ku sheegeen in marka hore laga heshiiyo doorashada si loo helo doorasho loo dhan yahay.

Dhanka kale waxaan dhegaystay kooxda xisbiga madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud oo olole xoog badan ugu jira in ay doorasho deg deg ah oo hal dhinac ka raran ay qabtaan sida Fiqi ,xildhibaan Xaadoole, Al Cadaala, Dube, Gudoomiye Muungaab, ninka ay ka dhigteen gudoomiyaha doorashada iyo qaar kale oo badan isla xayndaabkooda ah.
Haddaba waxaan is weydiiyey su’aalahaan.
1- Dalka Soomaaliya ma Xamar baa?.
2- Kooxdaan aadka u xiiqsan yaa la tartamaaya?.
3-Haddii doorasho noocaas ah ay qabtaan dawlada ka dhalata xaggee ku shaqayneysaa?.
4- Dhiiga shacbiga Soomaaliyeed ee ku daadanaaya Gobolada Salal, Awdal,Sool,Sanaag,Gobolada Galmudig, Labada Shabeele iyo Gedo sow ayyagu dawlad uma aha, sidoo kale kharaxyada Muqdisho dhawaan ka dhacay sida bara koontarool iyo xeryo ciidan sow Xamar ma’aha nabada ay sheegayaan xaggee taalaa?.
Bal anigu yaabaye akhristoow adinku wax ka dhaha?.


Wa Bilaahi Towfiiq
Cabdullaahi Jimcaale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.