Maamulka Baardheere oo Baaq ka soo saaray abaaraha ka jira degmada Baardheere

abaar

Maamulka degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa soo saarey Qeylo dhaan ku aadan Abaarta ka taagan deegaanka ay sii kordheyso miyi iyo Magaalaba, Roobabkii Deyrta ee la filayey in ay da,aan Bilaha October iyo November  ee Sanadkan 2025,oo dib uu ku yimid ayaa sababay inay adkaato nolosha Boqolaal Qoys oo noloshoodu ay tiirsaneyd  Wax soosaarka Beeraha iyo Xoolaha,

todobaadkii la soo dhaafey oo keliya Xeryo Barakac ee ku yaala duleedka Baardheere ku biirey in ka badan ilaa 400 oo Qoys,kuwaasi oo Abaarta kaga soo cararay deegaano ka kala tirsan Gobolada Bay iyo J.dhexe,Qoysaskan ayaa isugu jira haween,Caruur iyo dad waayeelo ah ayaa wajahaya  daruufo nolol xumo ,hadaba waa kuwan Qaar ka mid ah Qoysaskaasi oo ka hadlaya dhibaatooyinka ay qabaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.