Labo Dhacdo oo Madaxda Dowladu Ku Dhawaaqeen Maxaa Ka Dhalan Kara

xasansheekh

Dhawr maalmood ka hor wasiiru dawlaha wasaarada gaashaandhiga ayaa si cad oo daahfuran u sheegay in hubka haysashadiisa loo ogol yahay laba gacmood kaliya ku waas oo kala ah.


1-Dawlada Federaalka ah.


2-Al Shabaabka shacbiga laaya.

Waxaa ka dar oo dibi dhal noqotay markii madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud uu xaflad weyn ka shiigay in warqadaha aqoonsiga iyo kaarka codbixinta ay qadan karaan Al Shabaab ayyada oo aan ognahay in kooxo kala gedisan oo argagixiso ah ay ka falgalaan dalka gudihiisa sida Al shabaab, Daacish, Isis iwm.


Kooxahaan iyo qaar kale oo la mid ah oo magacyo kala duwan leh waxaa adduunka looga aqoonsan yahay argagixiso waana sababta ciidamada shisheeye oo kharashka badan lagu bixiso u joogaan dalkayaga islamarkaasna loogu fasaxay dalalka aan deriska nahay ee Itoobiya iyo Keenya oo ciidamadoodu ka caaganaayeen gudaha Soomaaliya in ay soo galaan oo weliba ku nagaadaan.


Haddaba aan iswediinee miyaan shacbiga Soomaaliyeed dhibane u noqon karin in loo aqoosado argagixiso markii la arko ayyaga oo wata baasaboor Soomaali ah?
Tani waa boog weyn iyo barmadoow oo ku taal qof kasta oo Soomaali ah meel kasta ha ku noolaadee.


Ugu danbayn waxaa ii soo baxay arimahaan.


1-kala qaybsanaanta Gobolada dalka Soomaaliya.


2-Xaraashka hantidii Guud ee ummadda Soomaaliyeed oo aan dhihi karno xaalufin.


3-tastuurkii oo si cad loogu tuntay daneysi gaara awgiis.


4-qurbajoogtii oo dalalka dibada heshiis dhaqaale qaadasho lagula soo galay lagu soo celiyey welina socota.


5-doorasho aan loo dhamayn oo boob salka ku haysa.
Aan soo gunaanadee Maxay dhaxal kooxdaan dalka gacanta ku haysaa uga Tegi doonaan dadka Soomaalida ah?


Su’aasha kale mays dhihi karnaa kharaxyadii iyo dilalkii dalka ka dhacay markii ay kaambaynka ku jireen ayyagaa ka dembeeyey?
Waxay akhiriste kula tahay?.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.