Ra’iisalwasaare lu xigeenka oo Booqday Wasaarada Warfaafinta

wasiir

Muqdisho, 20-10-2025: Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kormeer ku yimid xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, isagoo booqday qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa u kuurgalay shaqada maalinlaha ah ee ka socota waaxyaha kala duwan ee Warbaahinta iyo Maamulka oo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala uu ku soo dhaweeyey.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa kormeerka kadib sheegay in Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ay tahay bu’da isku xirka howlaha dowladda iyo dadweynaha.

Ugu dambeyntii, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa madaxda wasaaradda iyo howlwadeennada Warbaahinta Qaranka ku bogaadiyay dadaalka ay ugu jiraan la dagaallanka Khawaarijta iyo wacyigelinta dadweynaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.