Qabqablayaashii dagaalka ee dalka kala qaybsaday 1991kii burburkii dawladii dhexe kadib iyo sideeda madaxweyne ee maanta yaa dalka u roonaa?!!!.
Is barbardhig aan samayno iyo qaymayn markii dawladii dhexe meesha ka baxday waxaa dalka qaybsaday qabqablayaal dagaal oo ninba dalka qaargoostay kuna sallaysnaa ninba halkii reerkiisu ku xooganaa, waxaana dhex maray dagaalo foolxun oo qabiileysnaa naf iyo maal badana ku dhumay,
waxaana ka muuqatay in nin walba damaciisu ahaa in uu inta kale ka adkaado oo dhalka oo dhan oo sidii sii ah xukumo, waloow ay ahayd waali iyo laab lakac xaqiiqda ka fog oo aan qabiiladu awood isku maquunin karin, xaqiiqduna sidaas ku soo dhamaatay, laakiin waxaan ka baran karnaa oo dhab in aan midkoodna shisheeye dalka soo galin lana macaamilin, siiba kuwii joogay gobolada xadbeenaadka ah ee Itoobiya iyo Keenya,ku darso labadaas dal oo aan xurgufta lahayn kuma soo deg degi jirin in ay dalka soo galaan.
Waa sidee xaalku maanta oo aan dowlad sheeganayno?!!!. 1- Waxaan leenahay 8 madaxweyne oo ninba qayb dalkii Soomaaliya ootay oo aanu ognahay in ayyan is xukumin nin walbana u dhaqmo sida uu doono.
2-Dalka Soomaaliya waxaa inta badan jooga dawladaha deriska ah oo Mar kasta si toosa iyo si dadbamba waxay Doonaana ka sameeya ilaa aan dawladayadu ku dhici karin in gobalada ay haystaan ka hadli karin.
3-Sideeda madaxweyne mid walba cida uu doono buu aadaa ama meeshiisa ku casuumaa u wuxuuna la galaa heshiisyo.
4-Gobolada qaarkood waxaa laga bixiyey bad iyo beri isku qoofalan oo la siiyey dalalka deriska sida Kenya iyo Itoobiya.
5- Maamulada qaar iyo dawlada dhexeba waxay bixiyeen saldhigyo lagu tababaro calooshood u shaqaystayaal ilaa dalal kale looga duulo sida Sudaan oo ah saaxiibada aan leenahay kuwa ugu fiican.
6-Sidee u aragtaa Madaxwayne Xasan iyo Madaxwayne Ciro labo maalmood oo isku xigta inay Abiy Axmed Addis Ababa uga yeero midba mar isagoo doonaya dhul iyo bad Soomaaliya leedahay raba.
Isku soo wada duub 35 sano ka hor wixii na gaaray oo la rabay in aan ka soo kabano oo horay u socono sow gadaal uma socono?
Dagaal oogayaashii sow 8 da madaxweyne ee maanta ma dhamin?
Maxay adiga kula tahay ahkristoow?.
Ma la joogaa in aan rag iyo dumar dhexda u xirano in aan naf iyo maal u hurno badbaadinta magaca Soomaaliya inta aan maabka adduunka laga waayin?
Xalku sow maaha in sideeda madaxweyne loo aqoonsado qaa’inuwadaniyiin oo laga xayuubiyo shaarka qabiilka oo ay human yihiin?
Odayaasha dhaqanka,culumadda,ururada bulshada sida dhalinyarada haĺweenka iyo kuwa sheegta aqoonyahanada aniguse aan u aqaano kuwa bulshada u liita waayo aqoonto wax bay soo kordhisaa ee wixii fiicnaa ee jirey ma tirtirto, yaa laga sugayaa in ay dalka badbaadiyaan.
Ma aha inta Xamar ka qaylineysa kaliya ee Xassan haysata ee waa in Kismaayo ilaa Hargeysa cod iyo ficil laysku daraa Soomaalinimadii lagu soo celiyo laguna badbaadiyo.
Wabilaahi Towfiiq
Cabdullaahi Jimcaale
Leave a Reply