Wasiir Fiqi ayaa Ka Hadlay Kulankii Dhexmaray Madasha, Jubbaland iyo Puntland

fiqi

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay Shirkii Magaalada Nairobi ku dhexmaray Madasha Samatabixinta iyo Maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Wasiir Fiqi ayaa qoraalkaan hoose soo dhigay bartiisa facebook qoraalkaan hoos ku qoran.

Mustaqbalka Soomaaliya waxaa looga arrinsadaa gudaha Soomaaliya Maya dal ajnabi haddii aan shisheeye loo shaqaynayn!.

Mustaqbalka Soomaaliya 5 nin oo dawladnimada Soomaaliya diidan in ay hanaqaado Marti uma ahan, kuwaasoo taariikhdooda la yaqaan!.

Mustaqbalka Soomaaliya kuwii saldhigga Wardhiigley weeraray iyo kuwii gadaal ka taagnaa laga sugi maayo, Soomaaliya Dawlad muddo xileedkeedii ku jirta ayaa taladeeda iyo mustaqbalkeeda laga sugayaa.

Waxaa ayaandarro ah Soomaaliyada maantay shidaalka soo saaranaysa, amnigeeda in ay ku filnaato ka shaqaynaysa, tiigsanaysa doorasho qof iyo cod ah in shakhsiyaad sooyaalkooda la yaqaan ay leeyihiin mustaqbalkeeda ayaan ka hadlaynaa! Waxaa la joogaa markii laga gudbi lahaa ma gudbayaasha siyaasadda, waxaana ilaahay mahaddii in ay umadda horteeda mar kale ku ceeboobayaan.!.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.