Daawo:Ilmaha Soomaaliga ah ee aan Qaangaarin Diintay Rabaan Bay Qaadan Karaan

barlaman

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan muhiim ah oo lagu ansixiyay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Barwaaqada Carruurta (African Charter on the Rights and Welfare of the Child).

Axdigan oo ay soo diyaarisay Midowga Afrika, ayaa ujeeddadiisu tahay in la ilaaliyo, la horumariyo, lana daryeelo xuquuqda carruurta Qaaradda Afrika, iyadoo si gaar ah looga hadlayo waxbarashada, caafimaadka, ka hortagga tacaddiyada, iyo daryeelka bulshada.

130 Xildhibaan ayaa u codeeyay meel marka axdigan, 10 mudane ayaa diiday, halka 5 kalena ay ka aamuseen.

Xeerkaan ayaa dhahaya ilmaha aan qaangaarin diinta uu rabuu qaadan karaa waana arinta maanta buuq ka dhalisay golaha shacabka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.