Abiy Axmed oo Mar Kale Sheegay Inay Itoobiya Hesho Bada Cas

abiyahmed

Raysalwasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo ka hadlaayey baahida ay u qabaan Bad, ayaa ugu baaqay cid kasta oo diyaar u ah wada-hadal in ay isu diyaariyaan, isagoo sheegay in “helitaanka badda ee Itoobiya uu yahay mid aan laga maarmi karin.”

Wuxuu sheegay in Itoobiya ay “ku ducaysanaysay” in ay hesho marin badeed tan iyo shantii sano ee la soo dhaafay, islamarkaana ay sii wadi doonto in ay ku dalbato waddo nabadeed oo arrintaasi lagu gaadhayo.

Abiy wuxuu hadalkan ka jeediyay Talaadadii, isagoo ku sugnaa xafladda daah-furka buuggiisa cusub ee la yiraahdo “Dowladda Midnimada ah”, halkaas oo uu ka jeediyay hadal socday ku dhawaad saacad.

“Ma aha dhaqan sax ah in la aamino in waddan heerkan oo kale gaadhay uu halkiisa ku negaado oo aan caruurtayadana aan sidaasi ugu wareejinno.”

“Annagu ma rumaysnin in dagaal ama iskahor-imaad uu lagama maarmaan u yahay in tan lagu gaadho. Taasi waa sababta aan shan sano ugu ducaysanaynay,” ayuu raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.