Inta aan sooyaalka taariikhda ka helay waxaa Soomaaliya soo martay waayo qurux badan oo jiilal kala dembeeyey ay u sabab ahaayeen in ay ahaadaan dad ku soo noolaa karaamo,sharaf iyo in aan la quursan oo aan cdawgoodu ku soo haliilin.
Inta aan taxanaha taariikhda ka helay waxay ka soo bilaabataa mudo dheer sida soo gelitaankii Diinta Islaamka oo Geeska Afrika Islaamku ku Fiday Soomaaliduna ka mid ahayd dadyoowgii qaatay Diinta Islaamka markii resaaladu soo gaartay ee ayyan ka mid ahayn qoomankii xoogga iyo seefta lagu muslimiyey,wixii ummadda Soomaaliyeed soo martay ee aan soo qaato qarnigii 16naad ilaa maanta,waqtigaas ilaa maanta dalka iyo dadka Soomaaliyeed waxay la haayeen cadaw soo jireena oo doonaayey in dhulka quruxda badan ee Alle nasiiyey iyo xeebta dheer ee isku xirta Gacanka Carbeed,Badda Cas iyo Badweynta Hindiya ee dhan 3333KM,bal dib u milicso 10kii qarni ee tegay ee aan ka soo bilaabay qarnigii Axmed Gurey,waxa aan maanta ku suganahayna fiiri oo dhadhami yaa liqi kara oo qaadan sow xaalku uma eka(Reer ba,ayoow yaa ku leh) yaana ka xishoone aan ku dara (Lugtaaneey ninba mar ku qaad).Aan dulucda taabto waxa qormadaan igu dhaliyey iyo Soomaalida huruda oo la seexiyey:-
1-Halgangii Axmed Gurey ee aan ku faani jirney yaa na iloowsiiyey?
2-Maxamed Abdule Xassan iyo Daraawiishtiu 21ka sano caddaan iyo madoowba u beerdhigay maskaxda ma ka Saarnay?.
3-SYL iyo SNLguushii ay keeneen iyo damaashaadkii xoriyada ma layska iloobay ?.
4-1964tii dawladayada oo curdan ah Itoobiya in ay na qabsato in ay isku dayday sow weli goobjoogayaashii ma noola?.
5-1977dii dagaalkii dhacay sow kama dhalan hadalkii Migiste Xayle Maryam (Soomaalidu waa qayb yar oo Itoobiya ka maqan waana ku soo darayaa)?.
6-waqtiga aan joogno soo arintu ma taagna Itoobiya waa in ay biyaha Soomaaliya qayb heshaa,haadii aan la yeelin xoogg baan ku qadsan?.
7-Ma noo cuntantaa in maanta aan ka hiilino Sudaan iyo Masar oo abaalka ay nagu leeyihiin aan ognahay Itoobiyana garabsiino?
Ma harin hadal lays yiraahdaa ee wixii dhiig lahoow kaca,waayaha kor ku xusan bal qiyaasa inta qof qadiyadaas u dhimatay?.
Sow ma mudna in aan naf iyo dhiig u hurno halgan kaas quruxda badnaan oo aabayaasheen iyo hooyooyinkeen ay u dhinteen?
Culumada ayyagu isku fooggan ee is haysataay kaca oo ummadda huruda ka kiciya,dhalinyarada mustaqbalkooda mugtiga la geliyayoow kaca oo difaacada,kuwa aqoonyahanada sheegtoow aqoontiinu maxay ku tooran tahay?Ururadii bulshada yaa seexiyey? Dalka Xassan iyo kooxdiisu faraha ka saareene ma badbaadsanaa?mise waa sida Imaaraad, gaalo iyo Itoobiya ka shaqaynayaane toos ma u qaadanaa oo calanka Itoobiya kaayyaga buluuga ah ma ku badalnaa?.
Bal eega oo micneeya Shan dawladood oo Soomaali ah
baa ka qaybgashay furitaankii biyaxireenka Itoobiya ma dhawran karnaa halka ay nagu wadaan Ciro,Dani,Xassan,Axmed Madoobe iyo Laftagareen,shacbiga ay horfadhiyaan waxaa laga sugayaa jawaab ficila oo naf iyo dhiig hur ah oo dalka lagu badbaadiyo .
Wabilaahi towfiiq
Jimcaale
Leave a Reply