Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabbuuti, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha dalkani Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa oo ay si diiran ugu soo dhoweeyeen Garoonka Diyaaradaha Caasimadda Jabuuti, Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Arrimaha Gudaha dalka Jabuuti ayaa kulamo muhiim ah la yeelandoona, Madaxweyne Ismaaciil iyo mas’uuliyiinta kale ee dalkani Jabuuti.
Safarka Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ee dalka Jabuuti, waxaa qayb ka ah Xildhibaanno ka tirsan BFS iyo Wasiirro ka tirsan Galmudug.
Leave a Reply