Madaxweyne Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw Cali ayaa Xeer Madaxweyne ku dhaqangeliyey Dastuurka cusub ee Dawladda Waqooyi Bari.
Madaxweynuhu waxa uu si waafaqsan qodobka 152aad ee Dastuurka Dawladda Waqooyi Bari dhaqangelin ku sameeyay Dastuurka Dawladda. Dastuurkan ayaa laga bilaabo maanta ah dhaqangal.
Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee dowlad goboleed Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa lagu wareejiyey dastuurka maamulkaas oo maanta dhaqan galay.
Leave a Reply