Akhriso:Dowlada Soomaaliya oo Eedayn U jeedisay Madaxwaynaha Hirshabeelle

Guudlaawe

Wasiir Dowlaha Wasaarada arrimaha Dibada Soomaaliya Cali Balcad ayaa Madaxwaynaha Hirshabeelle ku eedayey inuu fowdeeyey Doorashada Qof iyo Cod ee Madaxwayne Xasan Iclaamiyey

War Qoraala oo Cali balcad daabacay ayaa sidaan u qornaa

“Waxaa nasiib darro wayn ah in xilli uu dalku isku diyaarinayo doorasho loo dhan yahay oo ay socoto diiwaan gelintii codbixiye yaasha, iyadoo aan maalin dhawayd arkaynay sawiradda Madaxwaynayaasha GalMudug iyo Koonfur Gabalbeed oo saf ugu jira is diiwaangelinta doorashada qof iyo cod in uu Maamulka HirShsbelle ee Madaxwayne Cali Guudlaawe ku mashquulsan yahay qabashada doorasha dadban oo uu xiligeedi dhamaaday.

Doorasho ku sheegta maanta lagu qabtay degmads Balcad waxay meel Ka dhac ku tahay heshiisyadii ay horay u gaareen GWQ iyo Shuruucdii ay ansixiyeen goloyaasha qaran.

Waxaan ugu baaqayaa Madaxwayne Cali Guudlaawe sida saaxibadiisa Madaxwayne Ahmed Qoor Qoor iyo Madaxwayne Cabdicadiis Laftagareen in uu isku howlo diyaar garowga doorashada uu heshiiskeeda wax ka saxiixay oo aannu ku mashquulin doorasho xiligeedii dhamaaday abuuraysana qilaaf iyo iska hor imaad beelaha nabada ku wadanool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.