Haloo Baroor Diiqo 1da Luulo W/Q Jimcaale

calan

Waxay ahayd 1dii Luulyo 1960kii maalin ku weyn dhammaan ummadda Soomaaliyeed,bal dib u milicso waxay kulmisay.


1-Waxay ahayd maalintii Gobolada Koofureed ka hoos baxeen gumeysigii Talyaaniga oo qarni ku dhawaad adoonsanayey.


2-Waxay ahayd maalintii midoowga Gobaladii Waqooyi ee Ingiriisku adoonsan jiray iyo kuwii Koofureed oo talyaanigu gumeysan jiray ay dib u midoobeen.


3-Waxay ahayd rajadii saddexdii gobol ee Soomaaliyeed oo Soomaaliweyn ka maqnayd in dib loo soo celiyo ay muuqatay, rajo iyo hididiilo weyna ay gashay qof kasta oo Soomaali ah meel kasta ha ku noolaadee.


Waxaa xaqiiqa rajadaasi way nooleeyd mudo soodon sano ah waloo aanaan gaarin yoolkii aan rabnay, waxaan xoreeynay Jabuuti walloow ay midnimadii ka bayreen wixii aan dadaal, juhdi iyo naf iyo maal aan ku bixinay baan aad u xasuustaa oo xataa aniga maqaalkaan qorayaa aan xabsi in aan galo ku sigtay saaxiibaday halgan igula jireyna looba xiray halka aan anigu nasiib uga badbaaday.


Isku soo wada duub waxaan soo marnay sodon sano oo aan farxad iyo rayrayn aan ugu damaashaadnay 1DA Luulyo oo ka danbaysay 1960kii, balse ayaan daro waxaa ka danbaysay 35 sano oo mugdi,murugo iyo rajo xumo ah ay burburtay jamhuuriyadii aan dhisnay 1960kii, waxaa wadadii raadinta Soomaaliweyn ku daatay qodxaan badan oo ilaa hadda si loo guraa adagtahay, waxaa kale oo Ayaan daro ah in jiilka danbe oo aan ula jeedo wixii qaangaaray 1991dii ay ku dhacday maskaxdhaqid oo ayyan garanayn halkaan ka nimid iyo meesha aan u socono.


Aan soo gunaanado waxa nagu dhacay ma aha dawladburbur kaliya ee waxaa kaloo nagu dhacay Diinburbur iyo dhaqanburbur sidaas darteed dhawr iyo sodonka sano ee ka danbeeyey 1991dii 1DA Luulyo ma mudna dabaaldeg ee waxay naga mudnayd in aan u baroordiiqno,sidaas awgeed qofkii damiir Soomalimimo ku jirto inta aan soo celineyno karaamadii Soomaalinimada aan u baroordiiqno maalmihii xoriyada ummadda Soomaaliyeed.


W/Q Cabdullaahi Jimcaale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.