Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Axmed ayaa dayac amni ku tilmaamay Qaraxii qasaaraha gaystay ee ka dhacay xero Damaanyo.
“Waxaan si kulul u cambaaraynayaa weerarka bahalnimo ee kooxda argagixisada Al-Shabaab saakay la beegsatay dhallinyaro Soomaaliyeed oo go’aansadey difaaca dalkooda iyo dadkooda.
Weerarkaan nafla-caariga ah oo ka dhacay xerada Damaanyo ee Magaaladda Muqdisho wuxuu hoosta ka xariiqayaa sida kooxaha caadeystay daadinta dhiiga ummadda Soomaaliyeed ay uga fogyihiin damiirka dadnimada iyagoo ku been sheeganaya magaca diinteenna suubban ee islaamka.
Waxaa sidoo kale wax laga xumaado ah in xukuumadda Federaalka ah iyo hay’addaha ammaanka caasimadda aysan wax masuuliyad ah iska saarin sugida amniga goobta uu ka dhacay weerarkaan bahalnimo ee lala bartilmaameedsaday dhallinyarada doonaysay in ay ka mid noqdaan Ciidamada qalabka sida.
Waxaan ugu dambayn qoysaskooda iyo qaranka uga tacsiyeynayaa dhalinyarada ku geeriyootay weerarka waxaana inta dhaawacantay u rajeynayaa caafimaad deg deg ah”.
Leave a Reply